Dowlada Fedaraalka Oo Xayiraad Kusoo Rogtey Duulimaadkii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa sheegay in maalinta berri ah ee Arbacada kuna beegan maalinta doorashada Madaxweynuhu dhacayso la hakiyey dhamaan duulimaadyada diyaaradaha.

Wasiirka ayaa xusay in iyadoo la fulinayo amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari la joojiyay dhaq-dhaqaaqii Garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayaa hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Jengali.

Go’aankan ayaan saameyneyn dhamaan garoomada kale waxaana u gaar u yahay kan muqdisho ee Adan Cadde.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE