Musharax Xasan Sheekh Oo Maanta Lasoo Baxay Ololihiisii Ugu Weynaa Ee Doorashada (Sawiro)

Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku muujiyey awoodaa ololihiisa doorasho ee uu ku doonayo in mar kale uu dib ugu soo laabto talada dalka.

Shir jaa’id oo uu ku qabtey Hotel SYL oo ku yaala Muqdisho ayaa Xasan Sheekh waxa shirkiisa soo xaadirtey in ka badan 200 Mudane oo ka kala tirsan xildhibaanada labada aqal ee baraalamanaaka fedaraalka.

Xildhibaanadan oo intooda badan taageersan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey in codkooda ay siin doonaan Xasan hase ahaatee, lama oga inay is bedeli doonaan maalinta berita ah iyo in kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda ololihii ugu dambeeyey ee musharxiinta ay ugu jiraan inay ku helaan codka xildhibaanada.

rax

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE