Musharixiinta Isbedel Doonka Oo Isku Raacay In Codka Loogu Shubo Musharaxa Ugu Cod Bata (Video)

Murashaxinta Ku Midoobay Golaha Isbaheysiga Isbedel Doonka oo kulan ku Yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa Isku Raacay in Musharaxinta Isbedel Doonka ah Qofkii ugu Cod Badan Codadka kale Loogu Shubo, Murashaxa Kasocoda ee Isbedel Doonka.

In si dhow loo Wada shaqeeyo, oo la isku Xiro Dhamaan Howlwadeenada Doorashada.

In Xildhibaanada Taageersan Isbadalku ay isku duubnaadaan ayna iska war hayaan.

In Xubnaha Musharixiinta ee ku Midoobay Golahan ay ka shaqeeyaan Sidii Codka Xildhibaanadu u Xaqiijin lahaa Isbadal dhab ah, Iyadoo si dhab ah loo taageerayo Musharaxa ugu Codka badan.

In Hadii Isbedelku uu guulaysto, uu Madaxwaynaha soo dhiso Xukuumad haysata Kalsoonida Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE