Ciidamadii Ugu Tirada Badnaa Oo Lagu Daadiyey Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in lagu daadiyyey Ciidamadii ugu tirada badanaa, xilli ay doorashada socoto.

Degmooyinka kala ah Cabdcasiis, Waaberi, Wadajir, Xamar jajabr, Xamar weyne iyo Shangaani ayaa shacabka ku dhaqan waxa lagu amrey in ay ku xaroodaan Guryahooda oo aanay wadooyinka usoo bixin, waxaana xaadaha qaar lagu arkayaa Ciidamo badan oo dheeraad ah.

Wixii ka dambeeyey lexdii maqribnimo oo hadda daqiiqadooyin ay dhaaftey saacadda ayaa lasoo kordhiyey Ciidamadan waxana laga cabsi qabaa sida la sheegayo in ay dhacaan falal kasoo horjeeda amniga caasimadda.

Xalay ayaa magaalada Muqdisho waxa laga maqlay madaafiic iyo hoobiyeyaal kusoo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah, waxaana aad u yaraa khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi.

Dhinaca kale hey’daha amniga ayaa ka cabsi qabaa in khalalaaso ay dhacaan hadii doorashada ay soo idlaato oo la arko shacab xamaasadeysan oo mashxarada Guuleystaha cusub

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE