Dabley Hubeysan Oo Weerar Ku Qaadaya Hotel Ku Yaalla Magaalada Boosaaso

Subaxnimadii hore ee maanta kadib marki salaada subax laga so baxay ayaa laga maqley rasaas ka dhacaysa xaafadda New Bosaso ee magaalada Bosaso, khasaare dhimasho ayaa weerarka ka dhashey.

Laba nin oo hubeysan ayaa weerar ku qaadey Hotel Village oo ku yaala Konfur Galbeed magaalada Bosaso. Labada nin ayaa diley laba kamid ah waardiyaashii Hotelka, waxaana ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka. Sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah shaqaalaha Hotelka, waxaa labada nin oo hubeysan ay dagaal la galeen ilaalada Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo Hotelka deganaa, waxaana wararka qaar sheegayaan in labo kamid ah ilaalada Cabdisamad Galan ay dableydu dishey, taas oo dhimashada guud ka dhigaysa lex ruux.

Dableyda soo weerartey Hotelka ayaa la diley waxaana hadda loo qaadey meydkooda goob lagu baarayo, lamana yaqaan cidda ay ka tirsan yihiin ilaa hadda. warar hoose ayaa xaqijinaya in kuwa weerarka soo qaadey ay ahaayen saddex nin, ninka saddexaad ayaa ka baxsadey goobta, waxaana socda baaritaan lagu soo qabanaayo.

La soco wixii warar ah ee kusoo kordha

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran