Deg Deg Mid Ka Mid Ah Musharxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Is Casilay

Mid ka mid ah Musharxiinta Xilka Madaxweynaha ayaa goor dhow wuxuu ku dhawaaqay in uu ka tanaasuley xilka Madaxeynaha Soomaaliya ka dib markii warqad uu u gudbiyey Gudoonka doorashada.

Musharax Madaxweyne Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa Gudiga doorashada u udbiyey warqad uu ku cadeenayo in uu ka haray tartanka isagoo wax sabab ah aan u yeelin tanaasulkiisa.

Waa musharaxii seddaxaad oo ka haray tartanka doorashada Madaxweynaha, waxaana hadda tartanka u taagan 21 musharax oo midkood uu ku guuleysan doono Kursiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE