Deg Deg Rasaas Xoogan Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxa ka dhaceysa rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada dowlada ee ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarumaha Ciidamada.

Rasaasta oo aad  u xoogan ayaa waxa laga maqlayaa guud ahaan magaalada iyo duleedka Muqdisho, rasaasta loo yaqaan Ifiso laga arkayo dhismayaasha, waxaana aad loo maqlayaa hugunka hubka cuslus ee laga soo ridayo xarumaha Ciidamada.

Mar kasta oo ay sii bataan codadka loogu dhawaaqayo Farmaajo waxaa sii xoogeysanaya rasaasta hawada loo ridayo oo magaalada dhan isqabsatay gees ka gees.

Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan waxaana rasaasta badankeed ridaya ciidamada dowlada oo si weyn u taageersan Farmaajo, iyadoo hawada magaalada ay xiligan isu bedeshay dhimbilo rasaas ah oo dabaal deg ah u muuqata.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE