Deg Deg Wareegii Koowaad Ee odeynta Oo Lasoo Gabagabeeyey Iyo Tirinta Codadka Oo Socota

Waxa goor dhow lasoo gabagabeyey codeynta wareegii koowaad ee baaralamaanka labada aqal ay ugu codeenaeen Musharxiinta Xilka Madaxweynaha u tartamaya.

Waxaana la bilaabayaa tirinta Codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Labada Aqal ee  Soomaaliya,Wareegan koowaad Musharixii hela 219 Musharax ayaa ku guuleysanaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Balse hadii la waayo Musharax hela Codad gaaraya 219 Cod waxaa loo gudbayaa Wareega Labaad waxaana u tallaabsanaya Wareega Labaad Afarta Musharaxa ee ugu codad bata Wareega Koowaad,Gudiga Doorashada ayaa u yeeray Wakiilada Musharixiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE