Toos U Daawo Wareegii Labaad Ee Doorashada Musharaxiinta Oo Ka Socota Xarunta Afasiyooni Ee Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow bilwdey Wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana wareega labaad isugu soo haray sedex Musharax oo kamid ahaa ragii horey loo saadaalinayay in midkood kusoo bixi doono doorashada.

Wareegii hore waxaa hogaanka u hayay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, hasa ahaatee waxaa dadka siyaasadda falanqeeya aaminsan yihiin in xaalka uu ku xun yahay Xasan Sheekh oo la filayo in ugu dambeyn ay u midobaan labada Musharax ee la tartameysa.

Doorashada Wareega labaad ee hada socota ayaa waxaa isugu soo haray Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh , Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo.

Wareega labaad ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan labo Musharax, waxaana tartanka ugu adag uu dhax mari doonaa labada Musharax ee isugu soo haray wareega sedexaad kuwaa oo ku kala bixi doona cod hal dheeri ah.

Waxaa la saadaalinayaa hadii uusan isbadal deg deg ah imaan in xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guleesan doono Musharax Maxamed C/Laahi Farmaajo ama Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labaduba isbaheysi ah kana soo horjeeda Musharax Xasan Sheekh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE