War Deg Deg Ah Tirinta Codadka Wareega Labaad Oo Bilaabatay Iyo farmaajo Oo Ugu Horeeya Codadka La Dhiibtey

Xarunta Afasiyooni ee ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ka bilaabatay tirinta Codadka ay dhiibteen xildhibaanada Baarlamaanka.

Howlka Shirka waxa ku sugan mudanayaal gaaraya 329 Xildhibaan kuwaas oo u codeeyey musharax ay taageersanyihiin inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tartamaya wareegan waxaana la doonayaa in kalliya labo musharax ay usoo baxo wareega ugu danbeeya ee kala baxa ah.

Laakiin hadii mid kamid ah musharaxiintan uu helo codad gaaraya 209 cod oo udhiganta sedex meelood labo meel barlamaanka waxaa uu noqon doonaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE