Warbaahinta Caalamka Oo Si Weyn Wax Uga Qorey Safarkii Prof Galeyr Uu Ku Tagay Magaalada Hargeysa

Warbaahinta waawayn ee caalamka, ayaa wax ka qortay safarkii hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr uu ku tagay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa maalintii Isniinta, iyo soo dhawayntii madaxda Somalilnd u sameeyeen.

Telefiishanka qaranka dawladda Shiinaha, ayaa ka mid ah warbaahinta caalamka ee wax ka qortay socaalka Somaliland ee Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr, kuwaasoo baahiyay muqaalka sawirka Cali Khaliif Galayr oo ay is gacan qaadayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte) oo soo dhawaynayay.

Telefiishanka Shiinaha ee warkan baahiyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay guul wayn ka gaartey nabadaynta Somaliland iyo arrimaha tabashooyinka siyaasadeed ee jira, iyo weliba gogoshii nabadda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyay beelaha bariga Somaliland, socdaalka siyaasiga Cali Khaliif-na uu la xiriiro wada-xaajoodka iyo qodax-tirka tabashooyinka bulshada degaankiisa.

Waxa kaloo Telefiishanka Shiinuhu sheegay in si dhab ah loogu guulaystay gogoshii nabadaynta ee Madaxweynaha Somaliland mudane u fidiyay beelaha bariga Somaliland, tallaabadaasna laga gaaray miro dhal fiican, isla markaana ay ka dhasheen shirarkii magaalooyinka Awrbowgay, Xudun, Taleex iyo Adhi-cadeeye, kaas oo ay heshiisyo waawayn ku gaareen beelaha Nugaasha iyo Xukuumadda Somaliland.

Telefiishanku waxa kaloo uu sheegay in socdaalka Cali Khaliif Galayr iyo wada xaajoodka Somaliland iyo kooxda Khaatumo ay dhammaystir u yihiin arrimaha nabadaynta Somaliland iyo tabashooyinka siyaasadeed ee beelaha beriga Somaliland, isla markaana la rajaynayo in guul weyn laga gaaro oo ay so af-jarto tabashada iyo kala qayb-sanaanta siyaasadda Somaliland.

Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa subaxnimadii hore ee maalintii Isniinta cagaha soo dhigtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah maamulkiisa Khaatumo, waxaanu soo dhawayn diiran uu kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa iyaguna ku booqday Hoteel Ambassador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacdeen Madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Weftiga uu hogaaminayay Prof: Cali Khaliif Galayr waxa ay isla maalintii Isniinta ay u dhoofeen dalka Jabuuti,  waxaana wehelinayay oo ay isku diyaarad ka raaceen Hargeysa wefti kale oo ka socda Xukuumadda Somaliland, oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Isha Somalilandtoday.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open