Weerar Ismiidaamin Ah Oo Maanta Lagu Qaaday Maxkamadda Sare Ee Dalka Afgaanistaan (Sawiro)

Wararka laga helaayo dalka Afgaanistaan ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Maxkamada Sare oo ku taalla magaalada Kabul.

Weerarkan uu fuliyey qof bambaano sitay oo isku qarxiyey irida laga galo xarunta Maxkamada Sare, waxaan la sheegay in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa ismiidaaminta.

Dadka khasaaraha kasoo gaaray ayaa u badan shaqaalaha Maxkamadda oo xiligaasi kasoo baxayey shaqada, waxaana sidoo kale dhaawaca ku jira dad badan oo rayid ah oo goobta ka ag dhawaa.

Kooxda Talibanka ayaa mudooyinkii danbe weeraro kala gedisan ku qaadeysay Garsoorka Afghanistan, duulaankaasi oo qeyb ka ha ololaha ay kooxdaasi ku dooneyso inay ku wiiqido awooda Dowlada Afghanistan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE