Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid Oo U Gudbay Wareega Labaad Ee Doorashada

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya Musharaxinta tartameysa ayaa helay codad gaaraya 88-cod waxaana musharax labaad ee kusoo xiga Farmaajo uu isna helay codad gaaraya 72-cod, Halka uu kaalinta Sedexaad uu galay Sheekh Shariif oo helay 49-cod iyadoo Kaalinta 4-aad uu galay Cumar C.rashiid oo helay 37-Cod, Iyagoo u gudbi doona Wareegi Labaad.

Waxaa inta badan wareega koobaad ku haray Musharaxiintii u taagneed Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareega labada usoo baxay una tartami doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran