Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Isku Diyaariyey Xarunta Afasiyooni Iyo Codeyntii Oo Bilaabatey

Xarunta Afasiyooni oo maanta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ayaa goor dhow waxa ka bilowdey codeynta Xildhibaanada Baarlamaanka.

Inta aanay bilaabmin codeynta ayaa xarunta waxa lagu dhaariyey xildhibaano dhawaan lasoo doortey kuwaas oo kusoo biirey Baarlamaanka fedaraalka.

Waxa hada socota khudbadaha ay madasha ka jeedinayaan Culimaa’udiin uu ka mid ah yahay Sheekh Bashiir Axmed Salaad, waxaana sidoo kale jiri doona hadallo goobta ay ka jeedin doonaan marti sharafta.

Tartanka oo lasoo sugaayey muddo lex bilood ka badan ayaa maanta ka duwan doorashadii horey uga dhacday Soomaaliya gaar ahaan tii sanadii 2012-kii oo uu kusoo baxay Xasan Sheekh oo weli hami ka leh inuu Guuleysto

Halkan toos ugala soco Xarunta Afasiyooni

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open