Xildhibanaada Baarlamaanka Oo Intooda Badan Gaaray Xarunta Doorashada Iyo Gudgiga Ka Hortagga Musuq Maasuqa Oo Shir Deg Deg Ah U Fadhiya

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Musharixiinta iyo Korjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ku qulqulaya Hoolka ay ka dhacayso Doorashada.

Qaar badan oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku sugan Hoolka Doorashada,Waxaana Muuqanaya Ciidamada Soomaaliyeed oo sugaya Amniga goobta ay ka dhacayso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa la filayaa iney saacadaha soo socda ka bilaabato Hoolka Doorashada oo si qurux badan loogu xardhay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shir kuleh xarunta Doorashada Guddiga Ka hortaga Musuq Maasuqa kuwaas oo arrimo dhowr ah hadda ka tashanaya.

Warar ayaa sheegay in weli aysan hoolka Gelin Musharraxiinta u ordeysa Xilka madaxweynaha Soomaaliya iyadoo xildhibaanada iyo wariyaasha oo kaliya ay hadda halkaasi gaarayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE