Beesha Caalamka Oo Si Isku Mid Ah Usoo Dhaweyse Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Faraamjo

Beesha Caalamka ayaa si isku mid ah ugu hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Aqalka Cad uu si dhow ula shaqayn Doono Madaxweyne Farmaajo,Maraykanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo Musuq-Maasuqa sidoo kalane uu  dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa sidoo kale u hambalyeeyey Madaxweyne Farmaajo Wakiilada Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo Midowga Afrika,waxaa sidoo kale soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Safiirada Soomaaliya u fadhiya wadamada Ingiriiska,Sweden,Holland iyo Turkiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open