Dhageyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Aamar Culus Dul Dhigay Ciidamada Qaranka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Genaraal Maxamed Aadan Axmed oo si toos ah uga hadlay TV-ga Qaranka ayaa sheegay in Rasaasta ay Ridayaan Ciidanka Dowladda Federaalka in ay lidi ku tahay amniga Dalka.

Waxa uu sheegay in xabadaha ay ridayaan Ciidanka Dowladda ay yihiin kuwa Hanti Qaran, loona baahan yahay in ay xafidaan maadaama sida uu sheegay aysan Soomaaliya sameysan Hub fara badan.

Waxa uu ugu baaqay Ciidanka in ay ilaaliyaan guud ahaan amniga Dalka iyo xasiloonida Dalka, si loo gaaro hormar loo wada dhan yahay, Wuxuuna u sheegay inuu Dhamaaday Wakhtigii Dabaal-degu oo ay Goobahooda ku Noqdaan.

Gobolada Soomaaliya iyo Magaalo Madaxda Muqdisho ayaa xalay iyo Maanta waxaa ka socday Dabaal-degyo waayn, Iyadoona Qaar kamid ah Ciidamadu ay Ridayeen Hub kala duwan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiiin.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE