Dhageyso Mid Ka Mid Ah Kooxdii U Ololeyneysay Xasan Sheekh Oo Ka Waramay Doorashada Farmaajo

Yuusuf Xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuuna Alle uga baryey inuu xilkaa culus u fududeeyo.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhanka kale  sheegay in dhagxaanta waaweyn ee lagu xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho inaan lagu sugi karin Amniga.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay mudo badan dulqaateen isla markaane aan loo baahneen in lasii dhibaateeyo,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa amray in la qaado dhagxaanta yaalla Wadooyinka Caasimadda Muqdisho.

Ganacsatada Hotelaada Muqdisho oo inta badan Hareeraha Wadooyinka ku xiray dhagxaan si ay Amnigooda ugu sugaan ayuu sheegay Yuusuf Xuseen inaan Dhagxaan Amniga lagu sugi karin,wuxuuna usoo jeediyey iney la yimaadaan qorshe kale oo ay ku sugi karaan Amniga goobahooda Ganacsi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open