Magaalada Marka Oo Xalay Ilaa Hadda Ay Ka Socdaan Dibadbaxyo Lagu Soo Dhaweenayo Guusha Madaxweyne Farmaajo

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa xalay ilaa maanta waxa ka socda dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo Guusha taariikhiga ah ee xalay uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Shacabka Kumaan gaaraya ayaa weli tuban qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Marka, waxaana shacabka ay gacmaha ku sitaan calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweynaha cusub.

Dabaal dega ay dhigayaan Shacabka Nabadda jecel ee Magaaada Marka ayaa waxa kala qeyb qaadanaya Ciidamada deegaanka iyo Maamulka Magaalada, waxaana dhinaca kale socda qaban qaabada xaflado lagu soo dhaweenayo Guusha Farmaajo.

Ciidamada deegaanka ee Maamulka K/galbeed oo sanadihii lasoo dhaafay wajahayey dibin daabyada Maamulka Xasan Sheekh ayaa ridaya rasaas xoogan, oo ay ugu dabaal degayaan guushan taariikhda gashay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Magaalada Marka oo ka mid ah magaalooyinkii xadaaraha iyo Guusha Soomaaliya ayaa shacabka ku dhaqan waxay muujiyeen dowlad jeceelka iyo wadaniyadda, iyagoo afartii sano ee lasoo dhaafay dhibane u ahaa dowladdii soo shaqeeneysay ee hogaanka uu u ahaa Xasan Sheekh.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa Muuqaalo iyo sawiro aan idin kaga soo gudbin doonno dabaal dega ka socda magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE