Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Oo Ay Ka Dhaceen Dibad Baxyo Lagu Soo Dhaweenayo Madaxweynaha Cusub (Sawiro)

Waxaa inta badan Dalka Soomaaliya Xalay iyo maanta ka socda Daabaal degii ugu Balaarnaa kaasi oo lagu soo dhowaynayo Madaxwaynaha Cusub ee Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kumanaan kamid ah Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Xalay isaga kala yimid Xaafadaha kala duwan ee magaalada, Iyagoo muujinaya Taageerada Balaaran ee ay u Hayaan Madaxwaynaha Cusub ee la doortay.

Shacabka oo Dareenkooda muujinaya ayaa sheegay inay Aad ugu Faraxsanyihiin Guusha uu gaaray Farmaajo, oo kadhigan mid uu gaaray Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ka dhacay Munaasibad Balaaran oo loogu dabaal degayo Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale Qaybo kamid ah dalalka Caalamka ee Soomaalidu ay ku sugan tahay ayaa waxaa ka Socda Dabaal-degyo Balaaran oo lagu soo dhowaynayo Madaxwayne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open