Munaasabad Lagu Taageerayo Guusha Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Lagu Qabtay Magaalada Marka (Sawiro)

Maamulka Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeeladaha hoose ayaa maanta Shacabka magaaladaasi kala qeyb qaatey dabaal dega guusha uu gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo Gudoomiyaha deegaanka Ceelwareegow Carabow Cali Qaraale iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada deegaanka ayaa Shacabka si weyn ugu hambalyeeyey Guusha taarikhiga ee doorashadii ka dhacdey Muqdisho uu ka gaaray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale kumanaan shacab ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada ay ka koobantahay iyo deegaanada hoos yimaada ayaa xaadirey goobta ay ka dhaceysay Xafladda lagu tagaeeraayey Madaxweynaha Sagaalaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maamulka Marka iyo Ceelwareegow oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay in dareenka Shacabka uu ka tarjumaayo dhabaha cusub ee cagta ay saartay Soomaaliya oo afar sano mugid ah soo qaadatey.

Dhamaan dadkii xafladaas ka qey galay ayaa dareen isku mid ah ka muujiyey Guusha Farmaajo oo la aaminsanyahay in dalka ay u horseedi karto in dib loogu laabato Soomaalidii beri samaadkii.

Hoos ka daawo sawiro hordhac oo ay nasoo gaarsiiyeen Wariyeyaasheena.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open