Puntiland Oo Ka xumaatay Doorashada Madaxwayne Nimo Farmaajo. W/Q.Khadar Aar

Dorashadii dalka Somaliya oo maanta lagu kala calafqaaday, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo codod aad u badan kaga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kaloo meesha kasoo ifbaxay in Puntiland iyana ay waydo Raysalwasarahii ay dhaxanka joogtada ah u qaadan jirtay.

Hadaba madama inta badan doorashada Somaliya ay ku qiimaysan tahay qabyalad iyo qolo qolo,sida wakhti aad u badan looga bartayna Raysal-wasaraha iyo Madaxwaynaha ay kala qaybsanayeen Puntiland iyo Muqdisho balse wakhtigan xaadirka ah uu doorashadii kusoo baxay nin kasoo jeeda Gobolada Jubaland balse ay isku hayb qabiil yihiin reer Puntiland.

Maxay ayay noqon kartaa doorka wada shaqaynta ee ay Puntiland ka qaadan doonto in ay la shaqayso Madaxwayne Farmaajo,mase laga filikaraa in ay carqalad horlihi ay ka dhex dhalato Farmaajo iyo Puntiland madama uu meesha ka baxay Raysal wasarahii markasta ay kuu taami jireen reer Puntiland.

Madaxwayne Farmaajo oo wadanka hore uga soo noqday Raysalwasaare ,isla markana xukunka hayay muddo aan ka badnayn Lix bilood, ayaa mucaradadii barigaasi ku kacday waxaa kow ka ahaa reer Puntiland, iyaga oo u arkayay in uu Farmaajo ku fadhiistay kursigii Puntiland ay dhaxalka u lahayd.

Balse hadadan lafteeda ayaa waxaa shaki badani ka iman karaa madamaa uu Farmaajo Madaxwyne noqday in ay isu calool furnadaan wayaan Puntiland iyo Farmaajo,madamaa uu Raysalwasaarahu uu hada noqonaayo nin kasoo jeeda Mudisho.

W/Q.Khadar Aar.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE