Sunsun!!: Sheeko XiisoLeh WQ: Muna Axmed Cumar

Dhulkan aannu marayno kulaylkiisa, carradiisa bilaa dhirta ah iyo dhagxaanta oogada dhulka teedsan ee milicdu karisayba waxa aad mooddaa lama degaan aan waligii la dul marin se waanagan annaguba maanta dul marayna.

Cimilada taala dhulkan sida ay u qalafsantahay markii loo adkaysan kari waayay waa laga hayaamay oo laga haajiray, annagu se waanagan ku nool ee deggan. Biyo la’aanta ka jirta markii loo bakhtiyi gaadhay waa laga wada tashaday kadib hal hal looga hulleelay, annagu se waanagan aan ka quusan ee iskaga nool.

Tallow intaa ka yaacday dhulkan omoska ah annagu maxaanu kaga duwannahay ee na dhigay? Miyaanu ka naf adagnahay mise ka adkaysi badannahay? Mise waanu ka doqonsanahay? Maxaa na baday dhulkan rafaadka ah? Maxaa na baday milicdan kulaylkeedu wax gumaadayo? Maxaa na dhigay cidladan iyo arligan annaga mooyee aan cid kale ku noolayn?!

Waa duhur, cadceedda oo aad mooddo in ay sideedii ka kulushahay isla markaana ka dhawdahay waxa ay ku beegantahay badhtamaha cirka, falaadhaheeduna waxa ay toos u soo abbaarayaan dhakadayada. Dhammaantayo waanu soconnaa oo isdaba susumaynaa annagoo ah boqolaal.Midba mid ayuu daba socdaa isaga oo ordaya.Ma garanayo sababta cagta naga gujisay ee aannu duhurradan galay isla daba ordayno. Daal ayaa kix la wada yahay haddana midna inta uu fadhiisto ma nasanayo. Meel aannu ka nimid iyo meel aannu ku soconno midna anigu ma garanayo. In aan illaa saaka jarmaadsanayn ayuun baan arkayaa. Socodka waxa noo dheer qof wal oo naga mid ahi, marka aniga la iga reebo, wax ayuu ku walwaalanyahay oo uu dhakada ku siddaa. Waxaasi waa quudkayagii oo aannu marar badan sidan oo kale ugu rarannahay. Dhul ka fog guriyaga ayaanu mar mar ka soo daabulnaa cuntada oo aannu ku hubsanaa gudaha guryaha yar yar ee nooga dhisan lama degaanka. Cuntadu in ay naga nasiib badantahay ayaan dareemaa waayo iyada marna waa la sidaa marna guriga ayay iska dhex fadhidaa oo iska nasanaysaa ee sidayada ma socoto uun.

Socod, sunsun, orod iyo hawl ayuunbaa lagu jiray tan iyo maalintii aan garaadsaday isla markaasna wax kala gartay. Markasta oo la soconayo waxa la is raaci jiray kooxo kale oo isla annaga ah. Mar mar waxa naga hor iman jiray kooxo kale oo iyaguna socdaal ku jira oo dhinaca aannu ku socono ka soo socda dhinaca aannu ka soconnana ku socda. Salaan guud ayaanu badanka is dhaafsan jirnay kadibna degdeg ayanu isu waydaaran jirnay.

Qoyskayagu waa qoys aad iyo aad u balaadhan.Waxa uu ka kooban yahay annaga oo dhan iyo hooyadayo. Haa, hal hooyo ayaa na wada dhashay. Aabbahay waligay ma arag, wax ku saabsanna waligay cidi iimay sheegin. Hooyaday maalin kali ahna ilamay soo hadal qaadin aabbahay. Kaligay uun bilaa aabbo ma ihi ee dhammaantayo bilaa aabbo ayaanu nahay. Hooyo kali ahna waanu wadaagnaa.

Hooyadayo waa boqorad. Inta guriga deggan ee aan u yarahay waxa aannu u shaqaynaa hooyadayo. Hawlaha oo dhan annaga ayaa qabanna: ha noqoto hawl guri iyo mid dibadeedba e. Cid aan annaga ahayni nalama deggana noomana shaqayso. Waxyaabaha aan is waydiiyo waxaa ka mid ah cidda aannu nahay. Cidda na dhashay? Aabbahay halka uu tagay? Sida uu u ekaa? Sababta uu noola joogi waayay? Su’aalahan dhawr jeer ayaan isku dayay in aan wayddiiyo hablaha iga waawayn se waxa ay iigu jawaabeen marka aad annaga na leekaato ayaad fahmi doontaa. Waxa aan sugi kari la’yahay inta aan iyaga leekaanayo si aan u ogaado waxa aannu nahay? Sababta aannu aabbayaashayo u garan la’anahay amaba halka ay mareen naloogu sheegi la’ayahay? Sababta ay hooyo kali ahi noo wada dhashay? Sababta hooyo loogu shaqeeyo uun ee ay iyadu u shaqayn la’adahay? Sababahan iyo sababo oo kale ayaan rabaa in aan ogaado.

Sidii aannu isu soo daba qulqulaynay ayaanu nimid gurigayagii. Markii la yimid lama fadhiisan ee haddana mid wal oo naga mid ahi hawl kale ayuu bilaabay. Anigu aad baan u daalanaa. Maalin dheer oo kulul ayay ii ahayd madaxuna waa I xanuunayay sidaas darteed meel koone ah ayaan yar jiifsaday. In yar markii aan hurday waxa aan ku war helay magacayga oo dhawr meelood laga yeedhinayo. Indhaha ayaan isku yara sii qabtay oo aan iska dhegatiray. Codadkii ayaa sii batay kadib hurdadii waan ka soo booday oo dibada u soo baxay. ‘Hooyo ayaa kuu yeedhaysa’ ayay igu tidhi walaashay oo iga wayn oo ka mid ahayd kooxdii goorahanba magacayga naadinaysay. Aniga oo cagaha jiidaya ayaan u tagay hooyaday oo sida caadada ah dhawr naga mid ahi ku xoonsan yihiin. ‘Halkeed joogtay Hooyo?’ ayay ahayd su’aashi u horraysay ee ay I wayddiisay. ‘Qolkayga’ ayaan ku jawaabay.

‘Oo maxaad ka qabanaysay?’

‘Waan iska jiifay’

‘Oo miyay gaadhay waqtigii jiifka’

‘May, se waan daalanaa oo waan iska jiifsaday’

‘Walaaladaa iyagu maxay u daali waayeen?’

‘Iyaga wayddii hooyo sababta ay u daali waayeen!’ Intaasi markii ay afkayga ka soo baxday dhirbaaxo kulul oo indhaha ilmo igaga keentay ayaa ii xigtay.

“I dhegayso inaneey’ ayay hadal kulul ku bilawday. ‘Imika gabadh wayn ayaad tahay mana tihid sidii hore, wixii hawl kaaga soo hagaaga gurigaa iyo bannaankaaba waa in aad sideeda uga soo baxdaa’ ‘Haye hooyo’ inta aan idhi ayaan ka soo dhaqaaqay.

Dhammaan intooda kale hoosta ayay iga dhagaysanayeen markii la I canaanayay balse markii aan ka soo baxay qolkii Hooyo ayay iska wada dhigeen sidii kuwo shaqooyin ku mashquulsanaa oo aan warba ii hayn. Murugo badan ayaa indhahayga ka muuqatay ilmaduna in yar ayay ii jirtay in ay iga soo qubato. Waxaa aan ku fadhiistay dhagax yar oo aan is waydiiyay sababta laygu ogolaan laayahay in aan inyar nasto? Sababtan maalin iyo habeen uun loo socdo ee aan mar kali ah loo nasanayn? Nolosha taalla gurigan iyo qoyskan arliga ka badan in aan la qabsan karayn ayaan naftayda u sheegay. Daalkan iyo socodkan maalin walba taagan in aanan taag u hayn ayaan hoos isula faqay. Kadib in aan ka fogaado gabigoodaba oo aan kaligay nolol samaysto ayaan go’aan ku gaadhay. Walow da’daydu aanay waynayn haddana, waxa aan isku qanciyay in aan noolaan karo kali isna dabari karo. Intaaan dhagaxii ka kacay oo istaagay ayaan dhinaca galbeed u kacay anigoo aan garanayn meesha aan ku socdo. Waxa ay ahayd gabal dhac caddceedu in ay qarsoonto u dhawdahay.

Wax aan socdaba gabbalkii ayaa ii dhacay dhulkuna waxa uu isku baddalay mugdi. Dhaxan ayaa soo dhacday iyo dabayl taas oo baqdin ka dhigtay jawigii marka horeba mugdiga ahaa.Waa cidlo ciirsi la’ dhulku, waa lama deggaan oo xabbad geed ah laguma oga. Dhaxanta iyo dabaysha dhacaysa waa mid aan loo adkaysan karayn. Daal iyo gaajo ayaa ii dheer baqdinta, mugdiga iyo dhaxanta. Sidii aan u soo luudayay ayaa sheeda wax iiga muuqday. Farxad ayaa i gashay haddana baqdin ayaan dareemay. Tolow waa maxay waxaasi ayaan is waydiiyay kadib qunyar qunyar ayaan ugu soo dhawaaday. Afar talaabo goortaan u jirsaday ayaan ogaaday in uu yahay dhagax wayn oo meesha ku rakiban. Kumaan farxin markii aan ogaaday in uu yahay waxa meesha yaalaa dhagax waayo waxa aan niyadda ka rajaynayay in uu noqdo wax kale oo i anfaca. Cid aan weheshado haddii uu noqon lahaa baan ugu jeclaan lahaa.Cunto ama biyo haddii uu ahaan lahaana waan ku rayn lahaa. Gabbood ama guri aan dhaxanta iyo baqdinta kaga dhuunto hadduu noqon lahaana way ugu wanaagsanaan lahayd se intaba midna muu noqon ee dhagax mutuxan oo in meesha lagu ilaabay aad mooddo ayuu noqday.

Dani ku badday! Dhagaxii ayaan iska ag fadhiistay dhabarkana ku tiirsaday. Dhulku waxa uu ahaa mugdi xad dhaaf ah. Cirka dhawr xiddigo aad mooddo in ay qaarba gooni isu bahaysteen ayaa ku teedsan.Illaa dhawr kooxood ayay ahaayeen. Ishaydu waxa ay ku dhacday xabbad kaligeed meel ka durugsan kooxaha iska joogta. Si aad ah ayaan ugu dhaygagagay xabbadaas kaligeed cidlada iska aluuban. Waxa aan dareemayay in aan wax wadaagno aniga iyo xiddigtaasi caawa. Iyana waa kaligeed anna waa kaligay. Fiicnaan lahaydaa haddii aan is weheshan karayno oo ay dhulka u soo daadagi karto amaba aan anigu samada ku booqan karo. Waase wax aan dhacayn!

Tolow maxaa kaligeed dhigay ee ay uga baxday ayaan is waydiiyay? Oo adigaba maxaa kaligaa cidladan ku dhigay? Dabeecad xumo! ayaan isugu jawaabay. Aniga oo samada ku maqan kuna mashquulay xiddigtaa yar ee kaligeed cidlada joogta ayaan mar kali ah sanqadh xoog leh dhinacayga danbe ka maqlay. Naxdin ayaan kici kari waayay. Mar labaad ayaan haddana sanqadhii mid la mid ah maqlay. Baqdin inta aan dhulka aammini waayay ayaan dhagixii fantay kadib dhalada uga baxay oo dhegaystay sanqadhii. Marba marka ka danbaysa way soo dhawaanaysay sanqadhu waxaanuu iila muuqday sidii wax dhinacayga ku soo socda oo ku soo siqaya. Gabigayguba waan gariiraya naxdin darteed dhididkuna tifiqda ayuu iga hayaa. Madowga jira darteed ma arki karo waxa igu soo socdaa waxa uu yahay. Wixii siduu u soo socday ayuu bartii aan fadhiyay marka hore degay. Sanqadhiisa waan maqlayaa se ma arkayo wax allaale waxa uu yahay mugdiga jira awgiis.

Habeen oo dhan wax aan dhagaxii dushiisii ka laalaadaba wixiina hoostayda kolba ka sanqadhaba waagii ayaa soo guduutay dhulkiina casaan khafiif ah ka dhigay. Madaxa intaan aayar kor u qaaday ayaan hoos fiiriyay. Cajiib! wixii illaa xalay aan ka jiifsan kari waayay maba joogoba oo waa meel madhan se wax kale ayaa meesha yaalla. Hareeraha inta aan si fiican isaga fiiriyay ayaan qunyar soo daadagay. Waxa aan tartiib tartiib ugu soo dhawaaday wixii meesha yaallay. Cunto ayaan ugu imi meeshi. Farxad inta aan qalbiga ka dareemay ayaan degdeg ugu bilaabay waayo gaajo ba’an ayaa i haysay. Aniga oo ku guda jira cuntista cuntadii meesha iska taalay ayaa dhabarkayga wax soo istaageen. Intii aanan jeedsanna waxa aan maqlay cod leh ‘Maxaa kuu geeyay cuntadayda?’

Naxdin ayay intii aan gacanta ku hayay dhulka igaga dhacday. Awood aan ku jeedsado oo aan ku fiiriyo ciddan aan cuntadeedii cunay ee imikana i daba taagan ayaan waayay. Intaanan jeedsan ka hor waxa aan is waydiinayay waxa uu noqon doono. Waan soo jeedsaday mise waa mid yar oo isna malaha soo hallaabay.Indhihiisu galka ayay ka saarnaayeen isla markaasna waxa uu ka cadhaysnaa cuntadiisa aan cidlada kahelay kadib ka dhergay amar la’aan.

‘Waan ka xumahay may ahayn in aan cuntadaada cuno…een … Gaajo xun ayaa i haysay’ ayaan cod kala googo’san ku idhi. Juuq iimuu odhane inta uu soo dhaqaaqay ayuu hadhaagii yaraa ee aan reebay iska xaabxaabsaday kadibna iga dhaqaaqay

‘Joog’ ayaan ku idhi. Inta uu istaagay ayuu dib ii soo fiiriyay ‘Halkeed ku socotaa?’ ‘Maxaad ka rabtaa halka aan tagayo?’ ayuu si cadho ku jirto ii waydiiyay ‘I dhegeyso walaal, ani ma aqaan meeshan………’ aniga oo hadalkii wada ayuu iga dhaqaaqay. Waan ka dabacararay anigoo u qaylinaya ‘Walaal i sug haygaga tagin meeshan cidlada leh waan cabsanayaa’ Intaa markii aan idhi ayuu istaagay ‘Ina wadi’ ayuu i dhahay kadib waan iska daba galay.

Cadceeddu si fiican ayay hadda u soo wada baxday. Dhammaan oogada dhulku waa iftiin. Ciida cas ee meesha teedsan ayaad arkaysaa illaa inta ishaadu ku dhammaanayso. Ciiddaas bacadku hayso mooyee shay kale ma leh dhulkani marka laga tago geedad aad mooddo in ay waa hore qombabeen iyo dhagaxaan yaryar oo meelaha qaar aad ku arkayso.

Sidii aannu isu soo daba soconay ayaanu mar kali ah ku soo baxnay durdur biyo ah. Waan u qaadan waayay in biyo laga heli karo dhulka noocan ah. Sidee lama degaankan laga guuray biyahan looga heli karaa. Haddii se uu biyahan leeyahay maxaa looga hayaamay haddaa ee la iskaga degganaan waayay, ayaan is waydiiyay. Ma kollaybaad idinku ku jirteen kuwa ka hulleelay sow awalba reerkiinu muu degganayn si kasta oo ay kulayl iyo lama degaan u tahay. Halkan haddii ay u soo guuri lahaayeen baa wacnaan lahayd. Waxa aan xasuustay hooyaday iyo walaaladay. Dhinac waan uga xiisay gurigayagii dhinacna waan ka raystay. Dhinac waan u xiisay oo xalay oo kali ah ayaan ka maqnaa gurigayaga oo tii i gaadhay waanigii laba indhood isku keeni waayay. Dhinacna hawshii iyo socodkii aan kala go’a lahayn ayaan ka raystay. Oo ma imikuu socod igu yar yahay haddaa. Cabsi ayaa Ii dheer hadda.

Taloow hooyo xilligan miyay iga warwaraysaa ayaan is waydiiyay? Wallee waanay kaa warwarin maxay kugu falaysaa baa ka horraysa sow dhinac walba hablahayagii kama joogaan oo waxa ay u baahataba uma keenayaan. Waxa aad ugu filnayd ayaaba iska yar.

‘Biyaha maxaad uga cabbi wayday?’ ayuu i waydiiyay kii aan soo daba galay markuu iga yaabay sida aan durdurka ugu dhaygagay.Intii aan cabbi karayay markii aan ka cabbay ayaanu socodkii sii wadnay. Sidii aannu u soo bayhoofaynay ayaanu meel kayn ah ku soo baxnay. Waa markii u horraysay noloshayda ee aan arko dhul sidan u barwaaqaysan una cammiran. Dhir aad u tiro badan, kala nooc ah kalana qaab ah ayaa qariyay kayntan. Geedo aad u dhaadheer kuwo dhexe iyo kuwa yaryarba way lahaayeen dhirtan sida ba’an uga baxday kayntani. Dhir badnida waxa u dheer noole badni. Inta geed ee ku taalla meesha waxa ka badan inta noole ee ku nool goobta. Nooleyaal aan tiro lahayn isla markaasna kala jaad jaad ah ayaa harqiyay Kayntan. Waxa aan is wayddiiyay sababta waxan oo noole ah keenay halkan? Taloow siday ku heshiiyeen in ay ku wada noolaadaan? In ay heshiis yihiin iyo in aanay ahayn ma war baad u haysaa ayaan is wayddiiyay haddana? Dhammaan cidda kaynta joogta annagaa ugu jimidh yar sidaas darteed waxa aannu labadayaduba ka cabsi qabnay in nalagu istaago oo nala dul maro. Kolba geed yar hoostii ayaanu ku gabanaynaa. Xayawaan wayni markuu naga soo hor baxaba meel cidhif ah ayaanu isku qarinaynay.Sidii aannu kolba xayawaan orodkiisa ama xamaarashadiisa isaga ilaalinaynay ayuu gabalkii dhacay.Mugdi ayuuna dhulkii isku badalay. Aad baan u baqayay oo habeenkii oo dhan laba indhood isuma keenin. Waa habeenkii labaad ee aanan seexan.

‘Waxa ay ahayd go’aan xun in aan ka soo fogaado reerkayagii’ ayaan ku calaacalay annagoo is ag kadalluubana gaajo iyo daal badanina naga muuqdo.

‘Maxaa kugu kallifay in aad ka soo tagto reerkiina?’ ayuu I su’aalay.

‘Waxa aan khaatiyaan ka istaagay shaqada iyo socodka badan ee reerkayaga taalla’

‘Taasi waa dabeecaddeena in aynu is taakulayno oo aynu iskeen u shaqaysano oo aynaan cid kale waxba ka sugin, waa derejo aynu cid kasta dheernahay’

‘Laakiin maxaa inagu kallifaya in aan maalin kasta socono oo dibedda soo wareegno guriga marka la yimaaddana aan la fadhiisan?’

‘Si aynu nolosheena iyo ta hooyadeen ugu fillaano isla markaasna u helno cunto fiican iyo hoy nadiif ah oo wanaagsan’

‘Hooyaday naga may caawin jirin hawlaha guriga’

‘Hooyadu waa boqoradda reer kasta. Iyadu waxa ay haysaa hawl ka wayn hawlahan kale ee caadiga ah. Dhammaan inta ay ka kooban yihiin reer kasta waxa dhashay hooyadood’

‘Aabbahay waligay ma arag?’

‘Cidna ma aragto Aabbayaashood. Dhammaanteen taas waan ka simanahay’

‘Waayo?’

‘Waayo……’ halkaa isagoo ii marinaya ayay mar kaliya gariirtay caleentii yarayd ee aanu kor saarnayn.

Naxdin ayaanu isku dhegnay. Gariirkii ayaa sii kordhay, caleentii yaraydna aad bay u luxantay oo waxa aannu ku dhawaan gaadhnay in aan ka dhacno caleenta. Cidhif ka mid ah caleenta ayaanu qabsanay kadib fiirinay waxa gariirka keenay.Waxa aannu aragnay laantii aannu caleenteeda kor saarnayn oo la garaacayo. Gudin wayn oo af badan ayaa lagu garaacayay isla markaasna lagu goynayay. Markasta oo ay gudintu geedka haleeshaba qarka ayaanu u saarnayn in aannu ka dhacno caleenta. Halka laantu ku taalay iyo dhulku masaafo badan ayay isku jireen. Haddii aannu laantan ka dhacno in aannu midkaaya noolaanayn way noo caddayd. Caleentii ayaanu aad u xejisanay garaaciina wuu sii kordhay illaa markii danbe laanta gabigeediiba ay ka soo go’day geedkii ay ku taallay. Sidii aannu ka cabsi qabnay may dhicin. Dhulkii kumaanu dhicin se wixii laanta garaacayay ee goynayay baa tunka nagu qaatay!

Waa wax aad iyo aad u wayn. Caawa ka hor midkaaya muu arag. Wax uu yahay ayaanu is waydiinay. In aanu xayawaan ahayn oo uu ka muuq duwan yahay waanu isla garanay se waxa kale ee uu yahay ayaanu fahmi waynay. Qushi. Wax uu annaga iyo laantii na soo wandaafiyaba waxa uu na keenay meel uu dab ka baxayay isla markaasna dhawr kale oo isaga la nooc ahi sii fadhiyaan. Mar kali ah ayuu halkii dabku ka baxayay ag dhigay laantii. Kulkii ka soo baxayay dabka ayaa durba na leefay oo na xanuujiyay. Orod ayaanu miciinsannay oo degdeg uga degnay laantii.

Sidaa markii aannu uga dhammaanay laantii ayuu qaaday oo dabkii dhex dhigay balse waanu ka badbaadnay. Dhulka intaa dabka baxaya iftiimiyay mooyee intiisa kale waa mugdi.Dhinac aanu u dhaqaaqno ayaanu garan waynay. Cabsi badan ayaa na haysa waayo meeshu waa meel ka halis badan lamadeggaankii ay reerkayagu degganaayeen. Xayawaano kala jaad jaad ah isla markaasna qaarkood ay aad u halis badan yihiin ayaa jooga kayntan. Geedo yaryar oo caws ah ayaanu hoos galnay kuna dhuumanay habeenkaa.

Waagu waxa uu ii baryay aniga oo go’aan ku gaadhay in aan iskaga noqdo reerkayagii. Aniga oo aan la hadal isaga ayaan degdeg uga dagay dhagaxii kadib dhinaca bari u kacay. ‘Halkeed tagaysaa?’ ayuu iga soo daba yidhi.

‘Reerkayagii’, ayaan ugu warceliyay.

‘Laakiin dariiqa ku gaynaya reerkiina miyaad garanaysaa?’

‘May’ inta aan idhi ayaan socodkaygii iska sii watay.

Sidaan u socday ayaan kayntii ka baxay haddana ku soo baxay durdur. Durdurkani waxa uu iila eekaaday kii aannu markii hore soo marnay haddana si buu iila duwanaa. Durdurka waa in aan ka talaabo si aan u gaadho reerahayagii se kama talaabi karo. Wax aan sameeyo ayaan garan waayay kadiba biyaha agtoodii ayaan iska fadhiistay. Waxa aan kedis u maqlay magacayga oo la iigu yeedhayo. Hareeraha ayaan eegay balse waxba waan arki waayay. Haddana codkii ayaa mar kale aad iigu soo dhawaaday. Codku waxa uu ka imanayay dhinaca biyaha.Waxaan fiiriyay durdurkii mise saaxiibkay oo caagad ku dul taagan biyahana dul sabbaynaya ayaa ii gacan haadinaya.’Ma doonaysaa in aan gurigiinii si nabad ah kuu geeyo?’ ayuu isaga oo dhoolacaddaynaya iigu yidhi.’Haa’ ayaa degdeg iiga soo baxday kadib dhinaciisa ayaan u soo orday.

Waxa aan la koray caagadii waxa aannu ka talaabnay durdurkii dabadeed cagta saarnayn waddo dheer oo nagu ridaysa dhulkii kululaa ee lamadeggaanka ahaa ee reerkayagu deggenaa. Wax aannu soo soconnaba waxa noo dhacay gabbalkii. Sidii habeenkii hore oo kale ayaanu helnay dhagax yar oo aannu ku dhuumano habeenkaa.

‘Waa maxay sababta aannu aabbayaashayo ula kulmi waynay?’ ayaan waydiiyay annaga oo dhagaxii dhakadiisa is hor fadhina. ‘Waayo waa ay dhintaan aabbayaashu kadib marka aynu calool galno!’ Yaab ayaa igu dhacay. Sababta ay u dhintaan ayaan fahmi waayay isla markaasna isaga waydiin kari waayay. Habeenkii aniga oo aad isu waydiinaya arrinkan uu caawa ii sheegay ayaan seexday. Subixii markaanu toosnay ayaanu jarmaadnay. Waddo dheer ayaanu cagta saarnay. Dhulkan dul socodkiisu waa kadeed iyo rafaad. Carro ay bacaddu kulaashay oo cagaha diirka kaa saaraysa mooyee meel kale oo la socdo ma leh. Geed la hadhsado ma leh. Cunno iyo biyona hadalkeed daa. Dhawr caanamaal afka wax hagaagsan maanu saarin sidaas darteed gaajo ayaanu asqaysnayn labadayaduba.

Cagaha dirqi ayaanu dhulka uga qaadaynay. Waxa aad moodaysay in ay naftu naga sii baxayso oo naga sii gurmayso. Waanu is daba luudaynaa. Isaga ayaa iga horreeya anna waan daba tukubayaa. Mar mar waxa uu arkaa aniga oo in badan ka hadhay markaas ayuu I sugaa illaa inta aan soo gaadhayo. Haddii ay canaani wax tarayso maalintaa kun jeer ayaan naftayda ku cannaantay sababta aan reerkayagii uga imanayay marka horeba. ‘Ilaahayow mar labaad I tus hooyaday iyo walaalahay’ ayaan ku ducaysanayay.

Dhulku waa jabaqla oo cid aan annaga ahayni ma dul marayso. Jawigii degganaa se adkaa ee aanu isaga jirnay ayaa mar kali ah isu bedalay guux. Dhulkii aanu dul soconnay ayaa gariiray. Hareeraha ayaanu fiirinay. Wax wayn oo dhinaca galbeed nagaga soo socda ayaanu aragnay. Gariirkii baa sii kordhay, guuxiina wuu sii waynaaday. Boodh iyo ciiro ayuu dhulkii noqday. Waxba waanu arki waynay. Masiibadii waynayd ee nagu soo qabqab lahayd in Ilaahay na dhaafiyay iyo in kale ayaanu kala garan waynay. Annaga oo is eegaya ayuun baanu mar kali ah aragnay wax dusha nagaga soo socda. Orod ayaanu miciinsanay. Nasiib wanaag waanu ka hoos fakanay wixii oo dhulka ayuu qab ku yidhi. Mar labad ayaanu haddana aragnay isla wixii oo dhakadayada ku soo beegan. Haddana dhinaca kale ayaanu uga orodnay. Bab! Mar labaad ayuu dhulkii sanqadh dayaamay. Mar saddexaad se waa isagii oo haddana nagu soo maqan! Cajiib waa maxay masiibadani maanta ayaanu is waydiinay. Mar saddexaadkii ayuu haddana wixii nagu soo beegmay. Indhaha ayaan isku qabtay aniga oo aan bartaydii ka dhaqaaqin waayo waan dhaqaaqi kari waayay. Indhaha markii aan kala furay hareeraha ayaan degdeg u fiiriyay. Waxa aan arkay wax wayn oo u eg wixii habeenkii aanu caleenta fuushanayn laanta gooyay oo sii socda. Waxa aan is waydiiyay waxan wayni waxa uu yahay iyo waxa nagu salliday? Maxaa na daba dhigay taloow? Miyuu noo awood sheeganayaa? Maxaanu ku samaynay ee uu naga daba gurayaa. Calool xumo ayaan u qaaday isaga iyo wixii la cayn ahba. Boodhkii uu kiciyay markii uu yar kala dagay isna naga yar fogaaday ayaan tabay saaxiibkay. Naxdin darteed ayuu dhidid iga soo booday. Degdeg ayaan u fiiriyay hareeraha. Waxa aan arkay saxiibkay oo meel halkaa ah kala daadsan. Xaggiisii ayaan u soo orday lug ayuu ka dhaawacnaa oo uu wixii waynaa kaga istaagay sida kale se waan nabad qabay. Garabka ayaan soo qabtay oo waanu isa soo raacnay. Reerahayagu halki ay deganaayeen wax badan umaanu jirin sidaas darteed isla markiiba waanu soo gaadhnay.

Amakaag ayaa nagu dhacay markii aanu soo gaadhnay halkii aan ku ogaa reerkayagii.Waxa aan imid gurigayagii oo dumay isla markaasna gabigiisiiba uu dhulka la simanyahay. Yaab! Reerkayagii waxa baabiiyay ayaan is waydiiyay? Halkay mareen? Miyay dhinteen? Yaa laayay? Yaa guriga ka dumiyay? Su’aalahaas oo dhan jawaab ayaan u waayay. Indhahayga ilmo ayaa ka soo daadatay, in aanan dib u arkayn hooyaday ayaan dareemay. ‘Malaha meesha waa ay ka guureen’ ayuu saaxiibkay igu yidhi ‘Ina wadi waan raadinaynaa e’. Kadib waanu isa soo raacnay. Woxoogay markii aanu soconay ayaan la kulmay mid ka mid ah walaalahay oo meel dhagax ah iska dul fadhida. Jidhkeeda tamar darnaan aad u badan ayaa ka muuqday, wajigeedana murugo badan. Xaggeedii ayaan u soo orday. Markii ay I aragtay iyadna way igu soo oroday kadibb cabbaar ayaanu isu dhegsanayn. Kadib midba kaayaga kale ayuu ku dhaygagay oo la yaabanaa darxumada wajigiisa ka muuqata.

‘Anaga oo iska deggan ayuun bay maalin kali ah cagta na mariyeen!’ ayay noogu jawaabtay markii aan waydiiyay waxa reerkeenii helay. ‘Yaa idin mariyay? Maxayse idinku galeen ee aad ku samayseen’ ‘Iyaga, wax aynu ku samaynayna ma jirto’ ‘Oo imika hooyo iyo intii kale aaway?’ ‘Hooyo iyo dhawr iyo toban aan ku jiro ayaanu kaga joognaa, intii kale iyaga ayaa laayay!’

Intaa ay sheekada noo wado ilmo ayaa indhaheeda ka qubanaysa. ‘Halkee baad imika ku sugan tihiin intiina soo hadhay?’ ayaan waydiiyay. ‘Meel yar oo halkaas ah ayaanu iska joognaa weli guri maanu samaysan’ ayay iigu jawaabtay ‘Ina wadi aynu u tagno e’. Saddexdayadiiba waanu isa soo raacnay. Waxa ay ahayd duhur. Waa Isla xilligii aan reerahayaga kibir uga tagay.

Intii aanan soo gaadhin ee aanan la kulmin hooyaday waxa aan xusuustay intii cisho ee aan xaafadda ka maqnaa wixii dhib aan la kulmay. Wixii xayawaan aan la kulmay, inta habeen ee aan sigtay. Ilaahay haddii aanu ii soo diri lahayn saaxiibkay maanta nolol kuma gaadheen. Halista ugu badan waxa noo gaystay wixii habeenkii laantii aanu kor saarnayn nagu gooyay, maalintii danbena nagu joogjoogsaday. Waa isla kan xaafadayaddiina dhulka la simay! Taloow maxaa nagu diray ee nagu salliday waxaas? Muxuu dhibta noogu gaysanayaa?

Aniga oo aad u cabsanaya ayaan soo gaadhay meel yar oo ay hooyaday iyo intii kale isku uruursadeen. Cabsi badan iyo darayo badan ayaa oogadooda ka muuqatay. Dhawr caanamaal ayay sidan ku sugnaayeen oo aanay baad iyo biyo toona afka saarin. Hooyaday ilin ayaa ku soo istaagtay markii ay I aragtay. Halkii aan is lahaa way kuu cadhoonaysaa wayba igu faraxday oo igu kogtay. In aan wali noolahay aaad bay ugu riyaaqday. Waxa aan baray saaxiibkay una sheegay in uu iga badbaadiyay haliso faro badan.

Wiig kadib hawshii ayaanu dhammaantayo dib u bilawnay. Gacmaha inta aanu is qabsanay ayaanu guri wayn samaysanay. Qaar cunto iyo biyo ayay meel fog ka keeneen. Durba noloshayadii waxa ay ku noqotay sidii hore ee ay awal ahaan jirtay. Anigana muddo ka dib waxa la ii dhisay saaxiibkay. Waxa aanu isu noqonay oori iyo say. Habeenimadaas ayaanu aqalgalnay. Subixii markii aan soo toosay waxa aan ku war helay saygaygii oo dhintay oo mayd ah. Murugo badan ayaan dareemay iyo u qaadan waa. Ninkaygii waa uu geeriyooday kadib markii uu ila aqal galay aniga. Tani ma aha mid nagu dhacday qoyskayaga oo kali ah se waa mid guud oo qoys walba oo bahdayada ka tirsan ku dhacda habeenka aqalgalkooda.Ninku waa uu dhintaa marka uu aqalgalo.Tani waa sababta aanu aabbayaashayo u arki waynay ulana kulmi waynay hal maalin. Ha la yaabin sheekadayda waayo waa dhab. Sidan weeye noloshayadu. Waxa aanu nahay Qudhaanjo waxa reerkayagii laayayna waa bini’aadam!

Muna Axmed Cumar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE