Wakiilada Beesha Caalamka Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Madaxweyanaha Cusub Ee Soomaaliya (Sawiro)

Wakiilada eesha caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah goor dhow waxay la qaateen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Faramaajo.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jasiir oo uu degnyahay Madaxweyanaha la doortey ayaa Wakiilada waxa horkacayey Danjiraha gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Danjirayaasha ayaa Madaxweynaha Cusub marka hore ugu hambalyeyeey doorashada oo uu kusoo baxay ka dibna waxay kala sheekeysteen howlaha deg deg ah ee uu damacsanyahay maadaama uu kasoo dhex baxay 21 musharax oo u tartamayey jagada uu ku guuleystey.

Danjireyaasha Yurub ee wakiilada ka midka ah ayaa sheegay in kulanku ahaa mid hordhac ah oo si wanaagsan ku dhacay, isla markaana lagu dhageysanayay qorshayaasha madaxweynaha cusub oo ay ugu hambalyeeyeen xilka loo doortay.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open