Xaflad Lagu Soo Dhaweynaayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Degmada Lambar50 Ee Gobolka Sh/hoose (Sawiro)

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta xaflad damaashaad ah oo lagu soo dhaweynaayo madaxweyne Farmaajo ku qabtay saldhiggooda weyn ee garoonka diyaaradaha KM50 ee gobolka Sh/hoose.

Taliyaha Ciidamda Daraawiishta K/Galbeed Jeneral C/laahi Waafow, gudoomiyaha degmada Lambar50 Cabdow Abuukar Axmed, Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta K/Galbeed ee gobolka Sh/hoose Jeneral Diite iyo indheer garad kale ayaa khudbado kala duwan u jeediyey ciidamda ammmaanka Sh/hoose noocyadooda kala duwan isla markaasina dardaaran gaar ah u jeediyey si ay u difaacaan dadkooda iyo dalkooda.

Hoos ka daawo Sawirada Xafladda lagu soo dhaweyn

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE