Xukuumada Somaliland Oo Hambalyeysay Madaweyne Farmaajo Baaq Culusna U Diray (Video)

Xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu maanta ka hadley madaxweynaha cusub ee loo doortey Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Xusen Dayr Afhayeenka madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu horeyn hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana uu hawda u mariyey baaq iyo digniino is bar bar socda.

Afhayeenka ayaa ugu horreyn waxaa uu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaadey madaxweynihii isaga ka horeeyey ee ku sun tana faro galinta iyo carqaladeynta Somaliland .

Dhinca kale Mudane Xuseen Dayr ayaa waxaa uu si cad ugu sheegay Mudane Farmaajo in masiirka Somaliland aanay matalin siyaasiyiin u shaqo tagay xamar oo dantooda halkaas ka eegtay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE