Dr. Ali BAAB Oo Dhambaal U Diraayo Xildhibaanada Heer Federal Ee Ka Soo Jeedo Deegaanada K/Galbeed Soomaaliya

JUMCA WANAAGSAN 10 /02 /2017  SOUTH WEST CIVIL SOCIETY FORUM (VOICE FOR THE VOICE-LESS)

TALLO… !
Xildhibaanada Koonfur galbeed, waa idin salaamay السلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Salaan kadib, xildhibaano, qaab kasta aad ku timaadaanba waxaa tihiin Xildhibaanadii matalaayay shacabka Koonfur galbeed, waxaan baryahaan warbaahinada & Baraha Bulshada aan ka maqlaayay,ama aan ku Arkaa idinkoo mashquul ku ah Motion,oo Mucaaradaaya Hogaanka Maamulka aad ka midka tihiin, waxaad Hilmaanteen Shacabkii aad mataleyseen oo aad Wakiilka ka eheedeen, iyagoo ku jira Duruufo aad u adag Abaar baahsan & xaalad Amni-la’aan Deg.Tayeeglow(Buur-dhuxule) maati ayaa lagu xasuuqay kuwana Nolasha ayaa lagu qafaashay (Ruux & Raq)meel laguma sheego..

Gob.Bakool xaalad siyaasadeed ayaa ka jirtaGob.sh/hoose warkiisa daa, waligiin kama hadlin,idinka & kuwa gadaal idinka soo riixaaya,kooxda waziirada soo ahaa oo aan Ummadda waxba u qabanin,intii ay masuuliyiinta ahaayeen,oo aan waligood u hadlin ummadda, ayaa markeey xilalkoodii waayeen idinku mashquulinaaya Motion & mucaaradnimo,waa Ayaan daro,khaladaad waa jiraan, waxaa loo baahanyahay in loo wajaho si Taxadar badan,loona saxo,wax kastana aad ka Hormarisaan u adeegida Bulshada aad Wakiilka ka tihiin,shirarka Hoteelada magaalada Muqdishow eey kooxda xilalkoodii waayay idinku qabanaaya,Dhaqaalaha ku baxaayo waxaa fiicneyd in shacabka Booyado Biyo loogu soo Dhaamiyo in loogu Ijaaro..

 

Dr. Ali BAAB

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE