Dib U Xusuuso Shirkii Aaya Ka Talinta Gobolka Shabeelada Hoose 2011-kii Iyo Sidii Looga Horymid (Sawiro)

SHALAY HADII TAYDA LA YEELI LAHAA MAANTA LAMA SHALLAAYEEN !
MACALLIN BARRE SHALAY INAAD LA SHAQEYSAAN AQOON YAHANADIINA WAAD DIIDEENE MAANTA SHARIIFKA CAGIHIISA SHUMIYA WAAD KU KHASBAN TIHIINE !

03-03-2011 waxay ii tahay maalin xusuus mudan waa markii aan ka qayb galay shirkii ugu ballaarnaa ee ay abid yeeshaan DIGIL iyo BIIMAAL kaasoo looga hadlayay aayaha iyo masiirka Gobolka Sh.Hoose hase yeeshee waxaa nasiib darro ah inuu kusoo idlaaday NATIIJO LA’AAN kadib markii la waayay cid isu soo taagta qabashada xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka ay ku bahoobayaan beelahan iyo kuwa ka maqan !

WAARI MEYSIDEE WAR HAKAA HARO ! rag badan oo maalintaa nala joogay ayaa Dhintay Allaha u naxriistee oo xilal qaran hayay !

Hase yeeshee si loo ogaado caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay mar walba la kulmaan beelahan ayaa waxaa ka mid ah
1- Waxaan jirin IS AAMINAAD.

2- Waxay yihiin dad AAN IS AQOONSANEYN

3- Kala aragti duwanaansho ( Digil wuxuu rabaa in Magac Digil lagu hawl galo Biimaalna uu ahaado mid la mid ah 1 beel oo ka mid ah beelaha Digil cml hase yeeshee Biimaal ayaa qaba inuu yahay Qabiil laandheere ah lehna Caasimada Gobolka taariikhna kuleh gobolka sidaa awgeed ay ku haboontahay in wax lagu soo dhiso magac aan Digil ahayn awoodana ay ahaato mid siman 50%

4- dadka kuwada jiray Golaha aan ka soo hadlay waxay ku kala jireen Xisbiyada dalka looga dhawaaqay.

5- qaarbaa u ololeynayay nidaamka indha Cade ee ahaa in Ex-Banaadir ahaan wax lagu soo dhiso.

6- Nabadoonada kasoo jeeda deegaanadan oo aan daacad ahayn

7- Dhaqaale xumi NIN BAAHANA XUR MAAHAN !

Sidaa awgeed maanta ayay haysataa waxay marti u yihiin Shariif Xasan Sh. Aadan.

Sawiradan waxa la qaadey Sanadii 2011-kii xilligaas oo uu socdey Shirkii aaya ka talinta Gobolka Shabeelada Hoose

Qoraalkan waxa nala wadaagey Dr Cali Baaba oo xilligaas ka mid ahaa Siyaasiyiinta laga hor ymid tallooyinkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open