Dibadbaxyo Waaweyn Oo Uu Soo Qaban Qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Dibadbaxyo waaweeyn oo ay ka qeyb qaadanayaan Shacabka 17-da Degmo ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka socdaa taalada Daljirka Daahsoon ee Caasimada.

Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa lagu taageerayaa Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Usbuucii hore lagu doortey magaalada Muqdisho.

Waxa lagu wadaa in dibadbaxaan ay ka qeyb galaan Ururada haweenka ee Gobolka Banaadir iyo dadweyanaha Muqdisho, iyadoo sidoo kale lagu wado inay halkaas hadallo ka jeediyaan Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

Guud ahaan Gobolada Soomaaliya ayaa waxa ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagu soo dhaweenayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ay u arkeen kii samata bixin lahaa dalkan dagaalada ay daashadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE