Golaha Amaanka Qaramada Midooby Oo Soo Dhaweeyey Doorashadii Ka Dhacdey Soomaaliya Baaqna U Direy Madaxweynaha Cusub

Kulan ay isugu yimaadeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhanka kalena amaanay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Gollahu waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan isbedalka cusub ee Somaliya iyo hannaanka xasiloon ee loo maray siyaasadda Soomaaliya oo marxalad cusub gashay.

Waxay sheegeen in Gollahu mar walbo uu ilaalinayo madax bannaanida Somaliya, xuduudaheeda iyo midnimada dalka.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa ammaanay doorka haweenka laga siiyey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in si wanaagsan loo qiimeeyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha ammaanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu la yimaado hannaan shaqo oo shacabka Somaliyed ku qanci karaan, sidoo kalena lagu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran