Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud (Sawiro)

Madaxweynaha cusub ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo Xasan Sheekh Maxamuud, Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo mariyey qeybaha ay ka kooban tahay Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna kulan albaabadu u xiran yihiin ay wada yeesheen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha Xil-wareejinta iyo caleemo saarka ayaa kamid ahaa qodobada ugu badan ee ay ka wada hadleen iyo sidii Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha cusub ayaa ka mahad celiyey waxyaabihii uu qabtay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna cadeeyey in ay dawladaas wax qabatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE