Madaxweyne Faraajo Oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Madaxda Maamul Goboleedyada (Video)

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan khaas ah ugu yeeray Madaxda dawlad gobaleedyada dalka oo kala hadlay arrimo muhiim ah oo ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa mahad-celin u soo jeediyey Madaxda dawlad gobaleedyada oo qeyb lixaad leh ku lahaa Hanaankii lagu doortay ee doorashada Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha kala ah Puntland, Galmudug, HIRSHABEELE & Koonfur Galbeed ayaa ka qeybgalay shirkan oo Saxaafadda aysan wax badan ka ogeyn.

Madaxweynaha HIRSHABELE ayaa sheegay in uu kulanka ujeedadiisa lahaa Madaxweynaha cusub oo uu kala tashanayey arrimaha ka taagan Soomaaliya iyo dadaalada dalka dib loogu dhisayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran