Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Khaatumo (Akhriso)

Waxaa dalka Jabuuti ka socday  Wadahadalo u dhexeeya Gudiyada Farsamada Khaatumo iyo Somaliland, iyadoona laga soo saaray War-murtiyeed kooban.

Waxay Howsha Gudigani ku Koobnayd mid Farsamo,  oo ahayd dib u eegis Qodobadii hore ee kasoo baxay Shirkii Adis-ababa, 21-12-2016,  iyo u gogol Xaaridda Shirka Labaad ee Gudiyada Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo iyo Saamaynta Ajendayaasha Shirkaasi.

Waxay Gudiga Farsamadu Isla qaateen.

1- Waxaa dib u eegis lagu sameeyay Heshiiskii 11-ka Qodob ka Koobnaa ee 21-12-2016, Wixii ka hirgalay iyo Waxaan ka Hirgelin.

2- In Taakulaynta iyo Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska Kaashadaan, Kana Wada Shaqeeyaan.

3- Waxaanu ugu Baaqaynaa Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba Inay si deg deg ah uga Howlgalaan Deeganadaas,  Abaarta iyo Horumarin la’aanta ka Jirta Awgeed.

4- In Shirka Guddiyada Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland Lagu Qabto Jabuuti, 20.03.2017.

5 –  Waxaanu si Wadajir ah u Cambaaraynaynaa Falka Nabad-gelyo Xumida, Iyo Khal-khal Gelinta ahaa ee Puntland,  ka Fuliyeen Madaarka Buuhoodle 05.02.2017, waxaanu usoo Jeedinaynaa inay Ka Waantoodo Falkaasi Foosha Xun iyo Fara-gelintaba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE