Sawiro: Madaxweyne Farmaajo Ayaa Galabta Qaabilay C/laahi Cismaan Daanyeerow “Ar Farmaajo Hala Ii Geeyo”

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow oo galabta ah qaabilay C/laahiMaxamuud Cismaan Daanyeeroow kaasi oo loogu magac daray “AR FARMAAJO HALA II GEEYO” .

C/laahi Daanyeerow ayaa ka mid noqday dhalinyaradii ku soo caan baxday dabaaldegyadii dalka ka socday kaidb guushii Farmaajo isagoo halqabsi ka dhiganaayey jumladahan “AR FARMAAJO HALA II GEEYO”.

C/laahi Daanyeerow oo ka mid dhalinyarada degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay kaamirada qabatay habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo isagoo horkacaayo koox dhalinyaro oo u dabaaldegayo natiijada doorashada kadib guushii Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE