Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Baaq Ka Kooban Shan Qodob U Direy Wadamada Carabta (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha dalalka carabta ee ka howlgala caasimadda iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa u dhiibay wakiiladan dhambaalo la gaarsiinayo Madaxda wadamadaas, kaas oo looga hadlayo xaaladaha adag ee kataagan gudaha dalka Soomaaliya & gacanta dawladda Faderaalka.

Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.
2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .
3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.
4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.
5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran