Wiilkii Qabsaday Baraha Bulshada (Ar Farmaajo Ii Geeya) Oo Ku Sugan Hotel Jaiir Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Cabdulaahi Maxamuud Cismaan oo lagu naaneeso (Daanyeerow) oo tan iyo markii la doortey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si weyn baraha bulshada u qabsaday ayaa goor dhow waxa la geeyey Hotelka uu degenyahay Madaxweynaha.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa lasoo bandhigay isagoo ku qeylinaya ( Ar Farmaajo ii geeya) ayaa waxa amar deg deg ah bixiyey Madaxweynaha si loogu dhabeeyo himiladiisa la kulanka Farmaajo.

Cabdulaahi Daanyeerow oo laga soo qaaday magaalada Jowhar ayaa caawa la casheen doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyaadda Soomaaliya waxaana taasi ay timid ka dib markii Madaxweynaha uu daawaday Muuqaalka “Ar Farmaaja ii Geeya, Ar Farmaajo Ma ii geysiinoo”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran