Yaa Qaadan Doona Jagada Ra’iisulwsaaraha Xukuumadda Soomaaliya (Xog Dhameystiran)

Tan iyo markii la Doortey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabulaahi Farmaajo ayaa waxa soo baxayey warar kala duwan oo la xiriira cidda qaadan doonta Ra’iisulwasaaraha Cusub ama Noqon doonta.

Inta badan warbaahinta gaar ahaan kuwa ay qoraan dhalinyarada beesha Habargidir ayaa isa siiyey in Jagadaas ay beeshooda heli doonto iyagoo xilkaasi u qoondeeyey magacayo siyaasiyiin la xijinayo Madaxweynaha dhawaan galka ah ee Farmaajo.

Dhaka kale,Wrabaahinta qaarkeed gaar ahaan kuwa beesha Abgaal/Mudulood ayaa isku dhex wada in  Ra’iisulwsaaraha Cusub uu ka imaan doono beeshooda. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa la filayaa inuu ka yimaado beel uu madaxweyne Farmaajo la galay balanqaad  intii uu waday ololihiisa Madaxweynenimo.

Xogo kala duwan oo kusoo dhacaya Warqabadka Markacadey.com ayaa intaba si aad ah isaga ag dhaw, waxaana ay u badan yihiin kuwii ugu muhiimsanaaa ee uu ku dhaqaaqi lahaa Farmaajo oo naftigiisa ka cabsi qaba in fashil siyaasadeed uu ku dhaco.

Shakhsiyaadka ay warbaahin beeleedyada hadal haayso in loo magacaabi doono ayaa waxa ku jira C/raxmaan C/shakuur iyo Axmed Macallin Fiqi oo labaduba kasoo jeeda Gobolada dhexe (Habargidir) hase ahaatee ka fiirsashada Madaxweynaha iyo shakhsiga uu u rabo in uu fuliyo balan qaadyadiisa ayaa labaas siyaasi ka hortaagan in xilkaasi midkood uu qabto.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa ku eedeysan Kiiska Muranka geliyey Badda Soomaaliya oo dacwadeedu ay ka furantahay dalka Holand, waxa uu wasiir ka ahaa Xukuumaddii Cumar C.rashiid ee sanadii 2009–kii uu soo dhisay waxqabad la taaban karo oo uu sameeyey ma jiro, waxaana lagu tiriyaa shaskhsigan mid aan ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed ee u heelan isbedelka.

Axmed Maclin Fiqi oo ka tirsan xisbiga dal jir kana mid ahaa shakhsiyaadkii kooxdii Aala-sheekh ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed ayaa soo noqdey Agaasimihii Nabadsugidd, inkastoo dalka intiisa badan ay maamulayeen Shabaab hadane waxa lagu eedeeyaa in uu kasoo dhalaali waayey taladii uu hayaaey, waxaana dhinaca kale lagu tiriyaa shakhsi u ja jabnaa Dowlada Kenya oo uu la wadaagay xogo badan oo xagga sirdoonka oo shacri ahaan ka mamnuucaya qaabka uu dhaqmay.

Marka laga soo gudbo Eedeymahaas oo sababi kara in labadan Shakhsi ay waayaan jagada Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa dhinaca kale jira dhowr sababood oo Beesha Galmudug kasoo jeeda u diidi karta in ay xilkaasi helaan.

Qab qablayaasha ay midka yihiin Axmed Xasan Xaad iyo kuwo kale oo fa ku dhiiglayaal ah ayaa warbaahinta toos uga taageerey in doorashada uu kusoo baxo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay u arkayeen hogaamiye ku firfircoon in lagu adeegto islamarkaana fuliya danaha Beeshooda.

Iyadoo Soomaalida oo dhan taageero iyo hambalyo ay kala horyimaadeen doorashada Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ayaa dhinaca kale ah caqabadda Beesha Galmudug in lagu aamino Masiirka Awooddii fulinta ee dalka.

Xogta ugu macquulsan ee la helayo ah in Raysalwasaaraha Xukuumadda Soomaalida laga soo dhex xuli doono Beesha Abgaal oo loo arko inay kasoo dhex bixi karaan shakhsiyaad aan ku lug lahyen eedeymo Wadaniyadeed iyo kuwo lagu dhibaateeyey Soomaali badan marka laga reebo in ay la kulmi karaan xoogaa cabasha ah oo ay soo jeediyaan dad Cadiifadeysan.

C.raxmaan Baadiyow oo lagu tilmaamo Siyaasi rug cadaa ah, qunyar socod ah kana mid ahaa raggii u ola-oleyn jirey in la helo doorasho xalaal iyo cadaalad ku dhisan ayaa si aad ah loogu saadaalinayaa in uu noqon doono Raysalwasaaraha Xukuumadda Cusub.

Waxaan Soo gudbin doonaa Xogo kale oo dhaaeraad ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE