Daawo Wareysi Gudoomiye C.llaahi Waafow “Waxaan Ku Baaqeynaa In Dib Loo Howlgeliyo Garoonka Caalamiga Ah Ee Km 50”

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose C.llaahi Cali Axmed Waafow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Somalinews Tv ayaa waxa uu kaga waramay damaca ay ka qabaan in uu dib u howlgalo Garoonka Diyaaradaha ee Km 50.

C.llaahi Waafow ayaa ugu baaqey Dowladda Cusub ee madaxweynaha uu ka yahay Maxamed C.llaahi Farmaajo iyo Maamulka K/galbeed in ay iska kaashadaan sidii looga faa’ideysan lahaa Garoonka Km 50 oo xayiraad la saaray howlihii uu qaban lahaa.

Marka hore Gudoomiye Waafow wuxuu faafaahin ka bixiyey sabahaha keenay in Garoonka la xiro, wuxuu arintaas ku eedeeyey dowlada Fedaraalaka oo hunguri weyni uu ka galay dakhsliga Garoonka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran