Dhageyso Sara U Kaca Qiimaha Shilinka Soomaaliga Oo Lagu Sheegay In Laga Leeyahay Arimo Gaar ah

Labadii maalin aynu soo dhaafnay waxaa ay sariflayaasha muqdisho ay sheegeen inuu hoos u dhacay qiimaha sarifka lacagaha Doller-ka iyadoo ay meesheedii tahay qiimaha maciishada lakala siisto suuqyada muqdisho waxaana ay tahay mid ay aad u hadal hayaan dadku sababaha keenay isbadalka sarifka.

Aqoon yahan Abshir Aadan Cabdiayaa tilmaamay hadii uu hoos u dhoco qiimaha sarifka laga dareemi lahaa aduunka waxaana uu ku sheegay mid dano gaar ah laga leeyahay isbadalkaan ku yimid Sarifka.

Dadka shacabka ayaa is weydiinaya sababaha keenay hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha  maciishada oo ah halkeediii Waxana tan iyo isbadalka sarifka ee hoos udhacay dadku ka cabanayeen arinkaas lamana oga ujeedada dhabta ah ee keentay in hoos loo dhigo Sarifka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE