Ergeyga Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya Oo Kismaayo Kulan Kula Qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Magaalada kismaayo waxaa maanta gaaray wafi uu hogaaminaayo danjiraha qaramada midoobay ee soomaliya micheal keating.

Danjire keating waxa uu kulamo xasaasi ah la qaatay madaxweynaha jubbaland mudane axmad maxamad islaam axmad madoobe iyadoona ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka, abaaraha iyo la dagaalanka kooxda slahabaab.

Kulanka kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ambassador Micheal Keating oo ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland ay kamid tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u tahay fulinta amarada dowladda Federaalka, waxaana dhanka kale uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqey in isagana uu dhex dhexaad u noqdo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Micheal Keating, oo isna hadlay waxa uu Jubbaland ku ammaanay in xildhibaannadii lagu doortey Kismaayo fursad aad u weyn laga siiyey dhallinyarada oo uu sheegay in Jubbaland ay u badneyd.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE