Faafaahinno Kasoo Baxaya Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelada Hoose

Dagaalo culus  oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab  ayaa xalay ka  dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka SH/Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday deegaanada Tixsiile iyo War-maxan oo u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobolkaasi SH/Hoose,Ciidamada dowladda ayaa iska difaacay weerarada Al-shabaab.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalada oo ilaa saaka lasoo sheegayo iney ka socdaan deegaanadaasi,ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaasi.

Inta badan Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan Maleeshiyada kooxda Alshabaab, waxaana jira khasaarooyin badan oo ka dhasha weeraradaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE