Kulamo Looga Hadlayo Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Madaxweyanaha Oo La Kulmay…

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay Shirar kala duwan oo ay leeyihiin xildhibaanada kasoo jeeda beelaha loo qorsheeyay in ay qaataan xilka Ra’iisulwasaaraha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa qaabilaya Siyaasiyiin kala duwan , kuwaa soo doonaya in ay noqdaan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Xilka Ra’iisulwasaaraha oo la aaminsan yahay in uu noqon doono mid muran badan dhalin doona waxaa ka taagan loolan adag, iyadoo siyaasiyiinta qaar ay isku arkaan in aan laga mudneyn Wasiirka koowaad ee xukuumadda Cusub.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa shaqada koowaad ee laga rabo waxaa ay tahay in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee lagu aamini karo Masiirka Shacabka Soomaaliyeed ee isbedel dooka ah, waxaana Mudane Farmaajo la sheegayaa in uu si taxadar leh uu uga fiirsanayo Shakhsiga uu xulan lahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran