Madaxweyne Farmaajo Oo Dhambaal Ka Guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maana la kulmay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal  uu ka siday R/wasaaraha Talyaaniga ka  gudoomay Safiirka dalka Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina,labada Masuul ayaa ka wada hadlay xoojinya Xiriirka labada dal iyo Arimo kale.

“Dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,Waxaan hubaa inaanan ilaawi doonin Kaalinta Mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan,sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Talyaaniga hambalyada uu ii soo diray”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE