Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya lagu dilay Gobolka ka dib weerar qaraxya ah oo wadada dhinaceeda loo geliyey.

Dilka saraakiishan ayaa sida wararku ay sheegayaan waxa u yimid ka dib markii lasoo weeraray deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan oo ku yaalla inta u dhaxeysa Wanlweyn iyo Afgooye, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus, waxaan saraakiishan ay doonayeen in ay u gurmadaan Ciidamada dagaalka uu ku qabsadey Tixsiile.

Kulanyo ay la socdeen Ciidamada saraakiishan galbineysey ayaa qarax lala eegtey, waxaana goobtaas ku geeriyoodey Abaaduulaha Guutada Lexaad ee Ciidamada Wasaaaradda Gaashaandhigga Korneel Xeyle iyo Taliyihi Uruka 1-aad ee Guutada 6-aad Maxamed Xasan bakaati.

Alshabaab waxay sidaan oo kale weeraro iyo qaraxyo horey ugu dishey saaraakiil iyo Ciidamo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana arimahaas sabab u ah taya la’aanta iyo qaabka ay u dhisan yihiin Ciidamada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran