Xildhibaanada Labada Aqal Ee Somaliland Oo Ansixiyey Heshiis Dhex maray Somaliland Iyo Imaaraadka

Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland  ayaa si wadajir u ansixiyay in Garoonka diyaaradaha ee Berbera lagu wareejiyo dowladda Imaraadka carabta halkaasi oo ay ka dhisaynayso saldhig milateri.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed siilaanyo oo maanta khudbadihii sanadlaha ahay ka akhriyay kalfadhiga Xubnaha  Gollayaasha barlamaanka iyo guurtida ee Somaliland ayaa xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyeen heshiiskaas.

Heshiiskan oo ay u codeeyeen 144 xildhibaan waxaa ka dashay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray xubnaha labada golle, taasi oo dhalisay in guddoomiyaha barlamaanka Somaliland C/raxmaan ciro uu ka baxo hoolk barlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa wuxuu ku tilmaamay codayntii iyo ansixintii heshiiska saldhiga milateri mid sharci darro, islamarkaana aan asax ahayn, waxaa kaloo uu sheegay in saddex xildhibaan ay ku dhaawac gacan kahadalkii dhacay, sidoo kalen lix xildhibaan oo kale loo taxaabay xabsiga

Heshiiska muranka baddan ka dhexdhaliyay barlamaanka iyo xukuumadda Somaliland ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Somaliland iyo dowladda Imaraadka oo saldhig milateri ka dhiganaysa Garoonka diyaaradaha Berbera oo hore u ahaa saldhigii ciidamada cirka ee Somaliland, waxaana sidoo kale saldhig uu u ahaa Ciidamadii Midowga sofiyati Sanadihii toddobaanaadkii.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran