Xog Isbaheysiga Kusoo Duulay Gobolka Shabeelada Hoose Oo Barakicin Hor Leh Ka Damacsan Deegaano Ay Ku Dhaqanyihiin Shacab Beeraley Ah (Warbixin)

Warar si hoose ay u heleyso Shabakadda Markacdey.com ayaa sheegaya in uu socdo abaabulka qorshe ka dhan ah Shacabka Beer falatada ah ee ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Abaabulka qorshahan oo xooggiisa uu ka socdo Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa iska kaashanaya koox isbaheysi ah oo heshiis ku ah dhibaateynta iyo barakicinta Shacabka aan hubeysneyn ee Gobolka.

Horjoogayaasha Kooxdan isbaheysiga oo kasoo jeeda Habar gidir (dhulboob) iyo Gaaljecel ayaa ku gambanaya Boorka Alshabaab hase haatee danaha fog ee ay ka leeyihiin Gobolka ayaa mideyey fikirkooda la dagaalanka Beesha Biimaal.

Mooryaanta Habargidir ayaa markii ay ku jabtey dagaalada ay kusoo qaadey Deegaanada Beesha Biimaal waxay u wareegsatey inay gacan saar la yeelato Shakhsiyaad Alshabaab ah oo shaqooyinkii ay haayeen dhaafsadey dhaqaalaha laga qaado Beeraha xoogga lagu heysto.

Kaaba Mooryaan lagu magacaabo Nuur Aduunyo oo ka mid ahaa Maafiyada arxan laabayaasha ahaa ee Indhacdde ayaa iminka wada abaabulka qorshaha cusub ee lagu barakicinayo dadka ku dhaqan deeganada hoos taga Janaale iyo Marka, iyadoo la adeegsanayo magaca Maleeshiyada Alshabaab.

Mar marsiyada dadka lagu barakicinayo ayaa sida wararka aan ku heleyno inay taageeraan Ciidamada deegaanka ee Mooryaanta u diidey inay ku harsadaan taako ka mid ah Gobolka, iyo la shaqeynta Ciidamada AMISOM eedeymahaas oo noqdey kuwo lagu marmarsiyo loogto dhigo baneysashada dhiigga Shacabka.

Isbaheysiga tabarta daran ee ka kooban Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta xoogga ku haaysat Beeraha Gobolka ayaa horey u barakiciyey shacabkii ku dhaqnaa deegaanada Ceelwareego, Sagaaroole, Fida-lawe iyo kuwo kale, waxaana hadda ay qorsheenayaan in barakcin cusub ay bilaabaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE