Dhageyo Qarax Khasaare Geystey Oo Ka Dhacey Xaafadda KPP Ee Magaalada Muqdisho

Qarax sababay  dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay Xaafada KPP ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku waramaya in Qaraxu uu ahaa Bam Gacmeed lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda,Qaraxa ayaa waxaa waxyeelo ay kasoo gaartay Hooyo  Soomaaliyeed iyo Gabadh ay dhashay.

Hooyada ayaa Qaraxa ku geeriyootay waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray Gabadheeda oo loola cararay Cisbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho,Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidankii Qaraxa lala beegsaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE