Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaare Dhaliyey Oo Xalay Ka Dhacay Gobolka Shabeelada Dhexe

Dagaal xooggan ayaa xalay Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Qalimoow ee Gobolka Sh/Dhexe.

Koox ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday Fariisin ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Qalimoow,waxaana halkaa ka dhacay dagaal culus oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa iney ku dhinteen 3 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 ruux oo shacab ah,Xaalada deegaanka Qalimoow ayaa saaka ah mid dagan waxaana gacanta ku haya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa guulo waxay ka sheegteen dagaalkii ay la galeen Alshabaab, iyagoo ku faaney inay dagaalka ku jabiyeen kooxihii so oweeraray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE