Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Siciid Xasan Geeddi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu beryahan xanuun la jiifay.

Xildhibaankan ayaa la xanuunsanayay cudurka dhiig-karka ah, waxaana la sheegayaa inuu ahaa Xildhibaankii ka maqnaa doorashadii madaxweynaha ee dhacdya Arbacadii la soo dhaafay.

Saciid Xasan Geeddi ayaa ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya xilligii 2012, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan dib loo doortay ee doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa uu horay uga mid ahaa Saraakiishii ciidamada xoogga dalka, xilligii dowladdii kacaanka waxaa uu darajada ciidanimo ka gaaray Jeneraal.

Waa Xildhibaankii labaad oo la soo doorta oo geeriyooda, waxaa ugu horeeyay Xildhibaan lagu doortay garowe oo maalmo kaddib xanuun u dhintay, hase ahaatee kursigii uu ka dhintay xildhibaankaas ayaa dib loo doortay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE