Dadka Somaliland-now Dawlad Baanu Nahay Iyo Dunida La Macaamili Mayno Kala Daaya!!

Waxaa baryahan danbe Somaliland ka jira buuq aad u farabadan,oo ka dhashay saldhiga milatari ee Berbera laga bixiyay ,inkastoo aan ku rajawaynahay in buuq kastaaba uu leeyahay wakhtigiisa iyo xamasadiisa , wixii intaa ka danbeeyana la isla miyirsan doono ,waxkastabana ay halkoodii ku noqon doonaan.

Somaliland waa dal aan wali dunidu aqoonsan, hadana waxa la odhan karaa waxa ay buuxiyeen shuruudo farabadan oo aanay lahayn dawlado badan oo maanta dunida ka jiraa ama laba aqoon san yahay.

Dawlad nimadu waa wax qaali ah, waxa aad moodaa in aynaan wali dawlad nimo faham sanayn, dawladnimadu waxa ay keeni kartaa waxkasta oo la odhan karo dadka faa’iido ayaa ugu jirta,sidoo kalana waxaa ka iman karo oo aan mararka qaar la ogayn khataro badan.

Dawlad nimadu maaha wax dheyel ah ,balse si looga badbado khatarkasta oo dawlada ka imanaysa waxaa dadka aduunka ku dhaqani ay u samaysteen golayaal u ilaaliya maslaxadooda dawladana ku taageera waxkasta oo ay dani ugu jirto umada.

Buuqa iyo sawaxanka baryahan danbe jiraa inta badan waxa uu u badan yahay magaalo xeebeedka Berbera,sababta keentay in ay arimahani Berbera u bataana waxa ay tahay bogcada ay ku taalo magalada Berbara iyo shaqooyinka ay qaban karto.

Waxa dhawaan laga nastay mashruucii kiraynta Dekeda Berbera kaasi oo isaga laftiiso dhaliyay waxogaa buuq ah,waxa hadana soo ifbaxay isla mashruuc isaguna dabada ku haya kaas Dekeda oo ah kiraynta Madaarka Berbera oo laga kireeyay Dawlada Imaraadka.

Horta ha ogadaan reer Somaliland in dawladnimadu ay leedahay culays aad u balaadhan,walibana hadii dalkan la aqoonsadana ay iman karto heshiisyo iyo khataro intan ka culaysyo badan oo uu fahmo karo oo kaliya qofka aqoonta u lihi.

Hadii maanta dadka Somaliland ay waxkasta oo ay dawladu ay saxeexdo ay qaabkan iyo sidan uga hor imanayaan,isla markana ay cabsi iyo cadho xoogle ka muujinayaan mashruuckasta oo ay dawladu soo saxeexdo, taasi waxa ay keeni kartaa in dawladkasta oo aynu dooranaa iyana cagaha la iskaga maro.

Ma diidani in dawlada khaladaadka ay galayso laga qabto ama la saxo,waan ogahay oo aniguba waxa aan in badan ka hadla khaladaad ay galaan , balse waxaa jira qaab khaladka loo xaliyo maha in aad tidhaahdo Berbera anaga ayaa leh sida kasoo yeedhay gabadh aan u haysto ee cidkale ay u shaqayso oo layidhaa Fadumo Siciid.

Dadka qaar ayaa waxa ay markaaba u fasiranayaa in saldhiga milatari uu keeni karo dhibaatoyin aad u badan,balse dadkaasi masoo hordhigayaan dadka wax xaqiiqi ah oo cilmi ku salaysan oo lagaga baaqsan karo heshiis kaasi.

Jabuti waxaa fadhiya laba ciidan oo saldhigyo waa wayn ku leh sida Maraykanka iyo shiinaha,wali maynaan maqlin dhib iyo mushkilado reer jabuuti ay kaga cabanayaan oo dhinaca abniga ah.

Tariikhdu markii ay ahayd 2009 waxa uu madaxwaynaha Jabuti Ismaciil Cumar Geele ,waxa uu dawladaha khaliijka hor dhigay mashruuca waddo Biriij ah oo la rabo in laga sameeyo marin biyoodka u dhaxeeya Jabuuti iyo yemen, gaar ahaan xeebta ugu gaaban jabuuti ee Yemen kuna taala gobolka Obokh oo yemen u jirta 28.5 mitir oo kaliya .

Jabuuti waxa ay markaasi ka fikiraysay in ay dhamaan dunida oo dhami ay wadadaasi soo marto,si ay ugu noqoto Biriijka kaliya ee isku xidha Afrika iyo wadamada carabta amaba qaarada Asiya ,dadka reer Jabuti may odhan Biriijkan waxa nosoo raacaya Xutiyiinta ee naga jooji.

Inagana hankeenii waxa uu dhaafi la yahay car Berbera kaalay iyo aniga ayaa iska leh gobol hebil,waa wax laga xishoodo,waana wax aan suura gal ahayn in dawlad lagu noqdo ,sidaasina horumar inoo noqon mayso,maxaan ula yabayaa dadka qaar,waxaan ogahay degamada qaar la rabay in Riig Biya ah loo qodo in ay xabad ku horjoogsadeen sida mashrucii Qoolcaday.

Dadka qaar ayaa waxa ay la shir yimadeen waxaa dhici karta in dagaalka khaliijka ka socda in aynu ka qayb qaadanaa ma wanaagsana,waad ku khasban tahay in aad dagaalkaa raad ku yeelato waayo qaran jira ayaad tahay Ilahayna waxaabu kugu abuuray gacanka Badda Cas ee dhibatoyinka oo dhami ay kusoo afyeelanayaan,taas awadeedna hadaad gooni uga soocnaato loolanka jira adiga ayaan marka ahayn wax jira.

Taas ugama jeedo in aynu inagu luga heena ku doonano dab aan inoo dhawayn,balse waxaa ii muuqda madamaa aynu sheeganayno in aynu dawlad nahay, waxa aynu ku khasbananaynaa in aynu daneeheenu mararka qaar ka raadino seefaha afkooda.

Waxyabaha badan ee dagalada ina galin kara waxaa ka mida, kow waxa aynu nahay dad Muslim ah,dunidana maanta waxa la isku hayaa waa fikir iyo mabaadii,taasna waxa khasab inagu noqonaysa in aynu doorkeena ka qaadano.

Mida labaad waxa ay tahay,waxa aynu nalaa marin biyoodka Aduunyada oo dhami maanta ku hirdamayso,markaa in dabkaagu shidnadaa waa muhiim iyada oo aynu waxkasta ku darayno foojignaanteena,fuloow guuli ku dhawaydaa.

Maah maah Somaliyeed ayaa tidhahda “wax aynu qalano mindiyahana aynu qarsano” arinteenu maanta waa kaasi,dawlad ayaanu nahay aqoonsi ayaanu doonaynaa,hadana kama qayb galayno xaladaha ka jira deegaan kayaga oo gooni ayaanu ka ahanaynaa, nin durbaan tuntay ilaaq dalbay, dawlad nimo culayskeeda u yar kan aynu ka cabanayno ayaa ugu yar ,armaynu dhawnahay ,dawladnimo xaalkeedu waa khamaar.

Dad badan ayaa waxa dadka maatida ah ku cabsiyaan, Iraan ayaa madfac inagu soo tuuraysa,wadanka Eritareya waxa uu sideenan oo kale heshiis la galay dalka Imaraadka waxaanu siiyay dhul ay ka dhigtaan saldhig milatari , waxanu ahaa saldhigii ugu badnaa ee laga werarayay dagaalkii Yemen,Eritariya cid werartay iyo cid madfac ku tuurtayna ma jirto.

Berberi waxa ay u jirtaa Yemen gaar ahaam magalada inoogu dhaw waa Cadan 260 klm ,balse Eritareya gaar ahaan magaala xeebeedka Assab waxa ay u jirtaa Ti’iz oo Yemen ah 176 klm ,ilaa hadana ma jirto wax dhibaato ah ee ay Eritareya kaga cabanayso dagaalka gacanka .

Anigu ma lihi waxkastaaba waa 100% waayo taas cid ogi ma jirto balse marka aan eego ama aan qiimeeyo fa’idada iyo khasaraha inaga soo gaadhi kara waxa in badan ii muuqda in ay fa’idadu badan tahay ,waa hadii heshiiska dawladu Baarlamaanka ay keentay sidiisa loogu dhaqmo.

Dhinac kale aynu ka eegno masaladan Saldhiga Milatari,waxa jira masalo Islaamku uu wax ku qiimeeyo oo ah *Khafu dararayn, ama laba arimood midii kuu fudud qaado,hadiiba aynu heshiiskan diidno maxaa inagu dhici kara oo dhibaato ah,hadii aynu yeelnana maxay ayaa inagu dhici kara oo dhibaato ah,waxa ay ila tahay waa qiimayn fiican.

Waxa aan anigu aamin sanahay hadii aynu heshiiskan diidno oo dawladaha khaliijka aynu nidhaahno saldhigayaga idinka kirayn mayno banaanka naga mara,waxa aan isleeyahay waa khalad wayn oo siyasi ah oo aynu galnay,hadiiba aynu daasi yeeli lahayn maxay ayuu yahay waxa kale ee kasoo horjeeda ee aynu ku badalaynaynaa,sawmaha in la inagu shaanbadeeyo in aynu cilaaqo la leenahay dawlada Iraan,iyada oo nolosheena oo dhami ku xidhan tahay khaliijka.

Waxa kaloo jira in rag badan oo siyasiyiin lahi ay ku doodaan in dawlada Imaraadku ay qayb wayn ka ahayd dagaladii lagu qaaday Somaliland xiligii dawladii Kacaanka,waa run taasi cid dafiri kartaa ma jirtio,balse siyaasadu markaliya halkeeda ma fadhido waa hadhkaa labadiisa galin iyo kolba sida aad uga fa’idaysato.

Dadkale ayaa waxa ay ku doodaan fikrad aniga dhankayga aan ila xoog waynayn oo ah in heshiis lala galaa dawladaha Carabta mahaba wax wanaagsan,iyaga oo dadkaasi ilaabaya ama hilmaam san in nolosheena oo dhami ay ku xidhan tahay khaliijka,taas awadeedna aynaan marnaba kala maarmayn dawladaha Carabta.

Niman badan oo masuliyiin mucarada isku sheegaya ayaa waxa ay dadka ku kicinayaan waxaa inoo yimi ciidankii Amasom ee Xamar joogay,taasina waxa ay ila tahay in dadku ay waxbadan kala garanayaan Amosom iyo kuwan faraqa u dhaxeeya.

Amasom waxa ay ilaaliyaan dawlada Somaliya iyo dhamaan shacbiga Somaliya oo dhan,saqiir ilaa kabiir,balse saldhigan imaraadka laga kireeyay waxa uu yahay dhul cabirkiisuna uu go’an yahay xaqna aanay u lahayn in ay kusoo xadgudbaan meel ka baxsan.

Waxa aan idacadaha ka maqlayay dad leh Saldhigaasi milatariga waxa uu keenayaa in aan cid Somaliland ka socotaa aanay u suura galayn in ay gudahiisa gasho , waa run maxaad u galaysaa xaq uma lihid in aad gasho waa Guri aad dad ka kiraysay oo kale,heshiis ayaa idin ka dhexeeya kaas ayaynu ilashanaynaa.

Somamiland waxaan leeyahay Bogcada aynu haysano ee Ilahay ina dejiyay dhul iyo Badba dunidu kama maaranto,inaguna dunida kama maarano ,balse waa in dawlada hada heshiiska gashay ay iska adkayso heshiiska iyo balamada ay galayaan si aanay dhibaato inagusoo noqon.

Dadkana waxaan kula talinayaa dawlad nimo culayskay lahayd ayaa ina taabtay, yaan loo jilcin guntiga dhiisha ha la iskaga dhigo, hadii aqoonsiga la raadinaayo la helana intan culays ka badan ayaa ina fuulaaya ,nin durbaan tuntay cilaaq dalbay.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open